U bood dhigaalka

Hanti Dhawrka Guud oo Baaris Kadib Dambi Ku Waayay Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Kadib cabashooyin badan oo kasoo yeerayay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ay uga cabanayeen maamulka gobolka Banaadir iyo dhulal la sheegey in uu si sharci daro ah u bixiyey ayaa waxaa arrintaasi baaris ku sameeyey Hanti Dhawrka Guud Dr. Nuur Faarax.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiskani ayaa lagu sheegey in kadib baaris uu sameeyey xafiiska ay wax dambi ah ama sharci daro ah lagu waayay maamulka gobolka Banaadir, islamarkaasina qaabka dowladda hoose iyo maamulka gobolka Banaadir u maamulaan dhulalka ay yihiin qaab sharciga waafaqsan.

Hanti Dhawrka ayaa cuskaday qodobka 10-aad ee sharcigii soo baxay 1980-kii oo ka hadlaya dhulka danta guud, wuxuuna sheegey in sharcigaasi uu dhigayo in dhulka uu mas’uul ka yahay maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose.

Goobjoog News