U bood dhigaalka

Hanti Dhawrka Guud oo u Digey Ganacsatada Ku Shaqeysanaya Hantida Qaranka

Sheeko:Dalka

DekedaHanti Dhawrka Guud ee Qaranka Nuur Jimcaale Faarax ayaa u digey ganacsatada in ay lacago iska galiyaan dhulka hantida guud, wuxuuna sheegey in aanan lacagta meesha ka gasha loo celin doonin, islamarkaasina iyagana laga qaadi doono talaabo sharci ah.

Mar uu ka hadlayay hawlaha uu xafiiskiisa hadda hayo ee la xiriira dabarjarista musuqa ayuu sheegey in sedex qeybood oo musuqa ah ay diiradda saarayaan, haddii kuwaasi lagu guuleystana ay ka dhigantahay talaabo weyn oo horey loo qaaday.

Sedexdani qeybood ayaa kala ah deeqaha waxbarasho ee la musuqmaasuqo, qorista shaqaalaha dowladda iyo sida xun ee loo isticmaalayo hantida qaranka iyo goobaha danta guud oo ay isticmaalayaan ganacsatada.

Waxa uu Hanti Dhawrka Guud sheegey in ay jiraan dad horey xilal oga soo qabtey xukuumadihii hore oo iskala tagey gaadiidkii dowladda, iyaga oo kasii kireeya shirkado gaar loo leeyahay “Waa iska qaateen markii shaqada ay ka tageen, waxayna kasii kireysanayaan shirkado gaar loo leeyahay, waxaa kale oo ay horey u qaateen qalabkii xafiiska iyaga ayaana danahooda ku qabsada” ayuu yiri Nuur Jimcaale.

Wuxuu baarlamaanka ka codsaday in uu meelmariyo sharciga Iibka Qaranka iyo kan Hanti Dhawrka si wax looga qabto musuqa.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay qorshayaasha u yaala xafiiskiisa ee lagula dagaalamayo musuqa, waxaa ka mid ah siminaaro loo qabanayo dhalinyarada ay u badantahay in ay dowladda u shaqo bilaabaan mustaqbalka dhow, sidoo kale in tabobaro la siiyo shaqaalaha dowladda iyo in la sameeyo wacyigalin guud oo dadweyne, iyada oo la isticmaalayo saxaafadda.

Xafiiska Hanti Dhawrka Guud ayaa dhawaan baaritaano uu ku sameeyey wasaaradaha dowladda waxa uu sheegey in 19 wasaaradood iyo 3 hey’adood oo qaranku leeyahay lagu heley wax is dabomarin iyo ku tagri fal awood iyo hanta dowladeed.

Wuxuu mas’uulkani ku baaqey in dadka heysta hantida dowladda ay iska soo wareejiyaan ka hor inta aanan dacwad lagu oogin.

Goobjoog News