U bood dhigaalka

Hanti-dhowraha Qaranka oo Taliskii Farmaajo Ku Eedeeyay Lansashada $96 Million

Sheeko:Amniga

Hanti-dhowraha qaranka  ayaa maanta soo saaray warbixin ku aadan lacago uu sheegay in si gaar ah loo isticmaalay xilligii uu talada halayay madaxweynihii hore ee dowladda federalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Hanti-dhowre  Maxamed Maxamud Cali ayaa xusay in lacagahaan la isticmaalay sanadihii 2018-2021-ka.

Cadadka tirada lacagaha la isticmaalay iyaga oo aan soo marin Bankigaga dhexe iyo Hanti-dhowraha xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in ay gaarayso $96 Million, waxaana uu carabka uu ku dhiftay in lacagtaan sidoo kale Baarlamaanka aan la horgeyn, isaga oo hadalkiisa raaciyay inuu sixiixin misaaniyad sanadeedkii 2021-ka.

Hanti-dhowraha qaranka ayaa shirkiisa ku sheegay sababta uu ansixin waayay”  Marka aan eego waxyaabaha aan soo xusay iyo kuwa kale ee warbixinta ku jira, waxaan ka dhowrsaday Hanti-dhowre ahaan inaan ansixiyo sax ahaanshaha xisaabxirka dowladda ee la iisoo gudbiyay sanadka 2021″ ayuu yiri isaga oo hadlayay.

Waxaa dhanka kale uu sheegay in qaladaad badan uu jiray afartii sano ee warbixinada uu soo saarayay xafiiska guud ee Hanti-dhowrka qaranka, waxaana dood badan ay ka timid misaaniyad sanadeedkii 2021-ka wasaaradda Maaliyadda uu hoggaaminayay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ay soo gudbisay 2021-ka.

Hant-dhowraha qaranka ayaa sheegay in ay jiraan qaladaad badan oo hey’adaha dowladda ” Warbnixinta labaad ee u huggaansanaanta sharciga markii aan baaray sida hey’adaha dowladda u raaceen shuruucda inta ay u isticmaalayeen miisaaniyadda qaranka waxaan aragnay qaladaadka soo socda” ayuu yiri.

1: In hey’aduhu aysan laheyn wax qorshe ah iib oo sanadle ah oo lagu maamulo iibka ay sameeyaan.

2: Lacag lagu shubay koontooyin ka baxsan Bangiga dhexe ee dowladda, iyadoo ogaalshiyo aan laga heysan xisaabiyaha guud iyo wasaaradda Maaliyadda.

3: Heshiisyada qaar oo hey’adaha dowladda galeen oo aan laga soo diiwaan gelin xafiiska Hanti-dhowrka guud sida uu sharcigu qabo .

4: Deeqo lacageed oo hey’adaha qaar ay dowladda ka heleen dibadda ee aan lagu darin misaaniyadda dowladda ee Baarlamaanku ansixiyay

Hadalka kasoo baxay ayaa Hanti-dhoeraha qaranka ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa, xilli Baarlamaankii 10-aad lagu eedeey ka gaabinta la xitaabtanka hey’adaha dowladda, taas oo keentay in wasiirkii hore ee Maaliyadda Baarlamaanka 11-aad ay wax ka weydiiyeen miisaaniyad sanadeedkii hore, isaga oo aan bixin jawaab cad oo lagu qanci karay.

Dulmar Somali

Goobjoog News