U bood dhigaalka

Hanti-dhowraha Qaranka oo War Kasoo Saaray Markab Dhuxul Siday oo Lagu Xanibay

Sheeko:Amniga

Hanti-dhowraha qaranka dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa sheegay in xafiiska xeer Ilaalinta qaranka uu ku wareejiyay macluumaadka baaritaanka kiis ku aadan Markab siday Dhuxul, kaas oo lagu xanibay saldanada Cumaan, kadib qoraal kasoo baxay xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Qaranka.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa warqad kasoo baxday xafiiskiisa  24-kii bishii tagtay waxaa lagu xanibay Markabka siday Dhuxusha, iyadoo sidoo shaqo joojin lagu sameeyay wasiirka arrimaha Dibadda xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, maadaama wasiirku bixiyay ogolaanshiyaha  lagu fasaxay Markabka.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in kiiska wixii ka dhiman ee baaritaan ah ay dhamaystirayo xafiiska guud ee xeer  ilaalinta, waxaana qoraalka lagu sheegay in kiiska baaritaanka uu soo socday ilaa iyo dabayaaqada bishii tagtay ee May oo xafiiska lagu amray inuu baaro kiiska markabka siday Dhuxusha.

May be an image of text

Goobjoog News