U bood dhigaalka

Hanti-dhowraha Qaranka oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Ma’uuliyiin Ka Socday Norway iyo Kenya

Sheeko:Amniga
Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta qaabilay sii hayaha saafaradda Norway ee Soomaaliya Mudane Haakon Svane iyo Madaxa Iskaashiga Saafaradda ee Kenya iyo Soomaaliya Mudane Erling Hess, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah.
Masuuliyiinta ayaa intii uu kulanku socday waxay isla soo qaadeen xiriirka iskaashi ee ku aaddan kobcinta awoodda iyo xirfadda hawlwadeennada Xafiiska Hantidhawrka Guud iyo dardargalinta dadaallada lagu xoojinayo nidaamyada isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta ee ka jira heer federaal iyo maamul goboleed.
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka is ayaa dhawaan waxa uu la saxiixay heshiis aqoon-iswaydaarsi saddex-geesood ah Hay’adaha IDI iyo AFROSAI-E kaasi oo ay taabbagalintiisa taageerayso Safaaradda Boqortooyada Norway.
Goobjoog News