U bood dhigaalka

Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo Bilaabay Baarista Lacagaha iyo Deeqaha Ku Baxay COVID 19

Sheeko:Amniga

Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka ayaa baaris la xiriirta hawlaha COVID 19 ee Soomaaliya ka bilaabay Muqdisho isaga oo arrintaa 7-badii bishan ku wargeliyey wasaaradda caafimaadka iyo xafiiska ra’isul wasaaraha.

Sida ku qoran warqad ay heshay Goobjoog News, meelaha uu hanti-dhowrka baari rabo waxaa ka mid ah:  Lacagaha ay dowladda federaalka ah ku bixisay COVID 19, deeqaha dibadda oo isgu jira lacag, qalab iyo dawo ama raashiin iyo wax walba oo la xiriira COVID 19.

Sida qoraalka ku xusan, baarista ayaa la fulinayaa iyada oo la tixgelinayo si loo xaqiijiyo ineysan dhicin khalad ama khiyaano iyo in hanti-dhowrka lala wadaago macluumaadka cid kasta oo arrintan uga baahdaan.