U bood dhigaalka

Hanti Dhowrka Guud Oo Joojisay Lacago Laga Bixin Jiray Bankiga Dowladda

Sheeko:Amniga

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka toosna loogu diray Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa wasaaradda lagu faray in hakin iyo dhismis lagu sameeyo lacagaha boqolleyda ah ee ay qaataan qaar kamid ah hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Bangiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa Xafiisku hakiyey lacagtii ay qaadan jireen halka la dhimay lacagihii boqlleyda ahaa ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir ay ka qaadan jireen dakhliga Guud ee dalka.

Tallaabadaan ayaa Xafiiska Hantidhawrku waxaa uu ku qeexay beekhaaminta hantida dowladda, hubinta in qarashka haatan ku jira gacanta dowladda loo isticmaalo adeegyada muhimka u ah muwaadiniinta iyo kobcinta awoodda dowladda.

Hay’ado dhowr ah oo katirsan dowladda ayaa xilligii xukuumaddii Raisul Wasaare Cumar Cabdirishiid loo qoondeeyey lacago boqlley ah oo ay ku yeeshaan dakhliga guud ee dowladda iyadoo qaar kamid ah hay’adaas oo sannadkasta qasnadda dowladda ka hela lacago aad u badan lagu eedeeyey in aysan jirin wax adeeg dadweyne ah oo ay qabtaan ama dib ugu celiyaan muwaadinka Soomaaliyeed, taas oo soo dedejisay in hay’adaha qaar la hakiyo lacagahooda qaarna la dhimo.