U bood dhigaalka

Hanti-dhowrka oo Soo Bandhigay Hantiada La Lunsaday iyo Isdaba-marinta Dhacday 2020

Sheeko:Amniga

Waxaa soo baxay warbixinta sanadlaha ah ee hanti-dhowraha guud iyada oo lagu sheegay arrimo oo musuq ah oo ka dhex jira hey’adaha dowladda.

Baaristaan waxaa lagu sameeyay 25 hay’adood iyo saddex safaaradood, iyadoo waxyaabihii ka soo baxayna ay ugu muhiimsanaayeen:

1: Hay’adaha dowladda Soomaaliya ee la baaray ayaa ku guuldareystay in ay si dhameystiran ugu lifaaqaan dukumeentiyada cadeymaha u ah isticmaalka Kharashaadka.

2: Heshiiyo ay galeen hay’adaha oo aan laga soo diiwaan gelin XHGQ, sida uu qabo sharcigu.

3: Dukumiintiyada iibka oo aan si hagaagsan loo maamulin sidoo kalena aan la keydin.

4: Shuruuc iyo xeer la’aan lagu dhaqo howlaha la xiriira maamulka iyo diiwaan gelinta hubka ee shaqsiyaadka iyo shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay.

Khaldaadkii ugu waaweynaa:

1- Kharash bixin dhan 9M oo aan wadan cadeymo ku filan.
2- Heshiisyo dhan 31M oo aan lagasoo diiwaangelin XHGQ.
3- Koontooyin Bangi oo ka baxsan Khasnadda dhaxe ee dawladda oo si sharci darro ah loo furtay.
4- Deeq gaareysa 17M oo aan lasoo dhexmarin nidaamka maaliyadda dalka.
5. Dakhli ay uruuriyeen safaaradaha oo dhan 278.000.00 laguma darin warbixin maaliyadeedka
6. Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir wax xisaabcelin ah kama sameyn 78 milyan oo doolar oo ay ka heleen dowladda dhexe.

Waxaa kale oo warbixinta ku jirta in wasaaradda kaluumeysiga ee shatiyo siisay in ka badan 140 shirkad iyada oo canshuur ahaan laga qaaday maraakiibta kaluumeysiga ilaa 56 milyan oo doolar.

 

GOOBJOOG NEWS