U bood dhigaalka

Hantida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha Iyo Wasiirada Cusub Oo La Tirakoobayo

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta Khudbad ka jeediyey munaasabaddii lagu soo magacaabayay golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in tirakoob lagu sameyn doono hantida ay leeyihiin wasiirada cusub haddii ay tahay guurto ama ma guurto intaba.

Kheyre oo arrimo badan ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddan ay tahay mid shaqo, islamarkaana lagu wada shaqeyn doono isla xisaabtan dhab ah.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in isla xisaabtanka uu ka bilaaban doono isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Hadaba Goobjoog News, waxay idiin soo gudbineysaa khudbaddii uu maanta jeediyey Ra’iisul wasaare Kheyre iyadoo qoraal ah.

Hoos ka Akhriso Khudbadda:

Waxaan marka hore rabaa inaan ku bilaabo sida soo socota:-

Xukuumaddu waxay ka koobnaan doontaa 26 wasiir iyo Ra’iisul wasaare ku xigeen oo aan sababeyn  doono.

Shuruudaha lagu soo xulay oo laguna xisaabtami doono iyo qaabka ay u shaqeyn doonaan oo aan rabo iney shacabka Soomaaliyeed maqlaan waxay tahay sida soo socota.

Qofka wasiirka noqonaya waa in aaney da’diisa ka yaraan 30 sano, waa in aqoontiisa gaarsiisan tahay heer jaamacadeed, waa in uu Soomaali yahay, aaminsan yahayna midnimada iyo madaxbanaanida umadda Soomaaliyeed, waa in uu qibrad u leeyahay maamulka iyo maareynta ku aadan shaqada uu dalbanayo, waa inuu ku sifoobay dhaqan, anshax iyo asluub wanaag, laguna yaqaan karti iyo hufnaan, waa inuusan kamid ahayn xiriirna la lahayn ururada ku tilmaaman xagjirnimada, waa inuu ogolaado, saxiixana in la hubiyo taariikh nololeedkiisa iyo qibraddiisa kadib markii loo magacaabo wasiirnimada.

Waa inuu la jaanqaadi karo kana tarjumi karo isbedalka ku yimaada rabitaanka shacabka, waa inuu diyaar u yahay kana go’an tahay ku dhaqanka iyo muujinta dowlad wanaag, isla xisaabtan, daahfurnaanta iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Waa inuu ogaalaadaa ama ay ogolaataa inuu buuxiyo shax la xiriirta caddeynta hantidiisa guurtada iyo midda ma guurtada ah kadib marka loo magacaabo xilka, kaasi oo laga bilaabi doono Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha si loo ogaado xoolaha aan leenahay maanta iyo haddii loo baahdo mustaqbalka markaan xilka ka tagno, taasina waxay tahay qof waliba oo kamid ah golaha wasiirada waxaa laga rabi doonaa shax noocaas ah.

Waxaa kaloo lagu soo dhoweyn doonaa haddii Ilaahay yiraahdo qof walba oo xukuumadda kamid noqda inuu ku shaqeyn doono barnaamij cusub ooo la bilaabay ka shaqeyntiisa, waa barnaamijka xukuumadda.

Waxaa kaloo laga saxiixi doonaa qoraal ku wajahan mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaarad walba, waxaa kaloo uu saxiixi doonaa wasiirka ama wasiiradda waajibaadka qarinta xogta iyo sirta qaranka, oo haddii ay cadaato in ay fashilantay ama ay bixiyeen sirta qaranka ay kalifi doonto iney ku waayaan shaqadooda, waxaa laga soo saxiixi doonaa wax la yiraahdo habraaca ansixinta sifada shaqo oo ah qaab cusub oo dalkaan looga shaqeyn doono.

Waxaa la eegi doonaa oo ay saxiixi doonaan nidaam isla xisaabtan shaqo oo cusub oo ah qaabka ay u shaqeeyaan, waxa laga rabo iney fuliyaan, bil walbana lagula xisaabtami doono, qofkii fulin waayana loo sheegi doono inuu waajibkiisa kasoo bixi waayay.

Sida aan marka hore sheegayna waxay caddeyn doonaan hantida ay leeyihiin, intaas ka sokow waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ugu bishaareeyo annagoo tixraaceyna isbedalkii ay codsadeen umadda Soomaaliyeed, aniga oo gudanaya waajibaadkyega Dastuurkiga ah qodobkiisa 97 farqadiisa 3-aad ee magacaabista golaha wasiirada, islamarkaana waafajinaya qodobka 98-aad, shuruudaha xubinnimada golaha wasiirada islamarkaana aan wada tashiyo ballaaran la sameeyay Madaxweynaha, xildhibaannada wadanka oo dhan, dumarka Soomaaliyeed, bulshada rayidka, dhallinyarada, culimada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaan idin horkeenay ama umadda Soomaaliyeed rabaa inaan horkeeno xukuumadda cusub.

Maadaama hadaba dalka uu marayo xaalad aad u adag oo abaaro ba’an ay jiraan, kana jiraan qeybo kamid ah dalka oo dadkii iyo duunyadiiba ay ku dhammaanayaan islamarkaasna aan horay u balanqaadey inaan arrimaha abaaraha xallintooda mudnaan gaar ah siinayo, waxaan ku faraxsannahay inaan idiin la wadaagno inaan sameynno wasaarad u gaar ah six al waara looga helo arrimahaasi, wasaaradaasi oo aan ugu magac darnay wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.

Ugu horreyntii waxaan aad ugu mahadcelinayaa shacabka Soomaaaliyeed oo meel walboo ay joogaan usoo duceeyay madaxdooda nala garab istaagay, waxaan rabaa inaan u istaago shacabka Soomaaliyeed in dowladnimada ayka bilaabatay maantay, laakiin shaqadii ay dhiman tahay, waxaan rabaa inaan u ballanqaado qof walba oo la magacaabay oo xukuumadda kamid noqda in lala xisaabtami doono, loolana xisaabtami doono si hufan, waxaan kaloo idiin ballanqaadayaa inaan aniga iyo madaxweynaha nala xisaabtami doontaan oo annaguna aan ogolnahay in nala xisaabtamo.

Dalkani waxa uu marayaa meel u baahan in dadka Soomaaliyeed ay isku yimaadaan.

Xukuumad markii la dhisayo waxaa laga yaabaa in dad badan oo Soomaaliyeed oo hammigooda ahaa iney dalkooda iyaguba wax ka dhisaan iney rajeynayeen iney xukuumadda ka qeybqaataan.

Annaga oo hadaba fiirineyna xaaladda dalka uu ku jiro waxaan soo dhisnay xukuumad sida aan sheegay golaheeda wasiirada ay ka kooban yihiin 26 iyo Ra’iisul wasaare ku xigeen oo ah xukuumad loogu talogalay iney waajibkeeda shaqo gudan karto, si kale haddaan u dhigno xukuumad dad shaqadooda u gudan kara si hufan, sidaasi darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan, culumo awdiinka, dhallinyarada, dumarka, siyaasiyiinta dalka usoo halgamay oo dhan, cid walba oo rabtay iney dalka wax u qabato oo aan xukuumaddu soo gelin waxaan iyagana u sheegayaa in albaabka wax lagu qaban lahaa u furan yahay, sidaasi daraadeed waxaan umadda Soomaaliyeed oo dhan ka codsanayaa iney fursad siiyaan xukuumaddan aan soo dhisnay, iskuna dayaan iney xukuumaddooda garab istaagaan.

Waxaan kaloo ku dhiirogelinaayaa ragga iyo dumarka Soomaaliyeed oo qeyb ka noqday xukuumaddan inuu bilowday isbedalkii ay codsadeen shacabka Soomaaliyeed iney naga daacad tahay inaan isbedalkaasi ka dhabeyno, inaan diyaar u nahay inaan dalkaan gaarsiinno meeshii umadda Soomaaliyeed ay xaqqa u lahaayeen, jiilka hadda jooga halkan ma aanay ku guuleysan iney u diyaariyaan jiilka ka dambeeya wixii ay xaqqa ugu lahaayeen, si hadaba aan waajibkeenna umadnimo isaga ridno, shaqadii aan dadka Soomaaliyeed oo da’da yar ugu gudbin lahayn waxa ay xaqqa noogu u lahaayeen maanta ayeey bilaabatay, cid walbo oo annaga naga mid ah oo fursad u heshayna waxaa laga rabaa ineysan fursaddaasi dayacin.

Waxaan mar Labaad ku celinayaa oo rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed hortiisa ka ballanqaado, idinkana aan idiin sheego, qaab dhaqameedkii loo shaqeyn jirey inuu isbedalay, waxaan rabaa inaad u diyaargarowdaan idinkuna, baarlamaanka ama golaha shacabka Soomaaliyeed, waxaan halkaan uga dirayaa baaq aan ku leeyahay aad ayaad ugu mahdsantihiin taageeradiina iyo inta hadda nagala joogta, dalkani waxa uu u baahan yahay xukuumad shaqeysa sida ugu dhaqsiyaha badan, sidaasi daraadeed aniga oo og iney gudan doonaan xilkooda, iyagana waxaan ka codsanayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan noogala shaqeeyaan inaan ansixinno xukuumaddan.

Ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed oo dhan waxaan ka codsanayaa inaaney noo soo hambalyeenin balse ay inoo soo duceeyaan.

Goobjoog News