U bood dhigaalka

Hantidhowraha Qaranka oo Ka Qeybgalay Shirka Furitaanka Shirka Hey’adaha Hantidhowrka Afrika

Sheeko:Amniga
Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Afrika (AFROSAI-E) oo sannadkan ka dhacaya magaalada Accra ee dalka Ghana, isaga  oo socon doona muddo 4 maalmood ah.
ayaa waxaa lagu lafaguri doonaa qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin yagleelidda hannaan isla-xisaabtan oo sahlaya xaqiijinta filashada bahwadaagta, qorshaynta sannadlaha iyo qiimaynta khataraha iyo dabagalka talabixinta lagu soo saaro warbixinnada baarista ee Hay’adaha Hantidhawrada Guud.
Shirka oo ay sannadkan martigalinayso Hay’adda Hantidhawrka Guud ee Ghana ayaa waxaa qayb ka ah Hantidhawrayaasha Guud ee 26 dal oo ku midoobay Ururka Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla luuqadda Ingiriisiga iyo hay’ado kale oo ka mid ah bahwadaagta horumarinta caalamiga.
Goobjoog News