U bood dhigaalka

Hantiilayaasha Caalamka 82% Dhaqaalaha Ay Heystaan Waxaa Gacanta Ku Haya 1% Oo Dadkaasi Ah

Sheeko:Dalka

Hay’adda Oxfam ee laga leeyahay dalka UK ayaa sheegtay in uu aad u sii ballaartay farqiga u dhaxeeya dadka hodonka ah iyo kuwa Saboolka ah.

Hay’addan ayaa sheegtay in 82% hantida la helay sanadkii tagay ay gacanta u gashay dadka ugu hodonsan dunida kuwaasi oo 1% hal ka ah bulshada caalamka halka dadka saboolka ah aysan helin wax koror dhaqaalo ah oo la sheego.

Hay’adda Oxfam ayaa waxay intaasi ku dartay in tiradaani ay keeneyso guul darro ku timaado nidaamka dhaqaalaha.

Hay’adda Oxfam ayaa shantii sano ee la soo dhaafay waxay soo saartay warbixinno middan la mid ah waxay qirtay sanadkii 2017, in sideeda qof ee ugu hodonsan dunida ay heystaan dhaqaalaha kala –u bar dadka saboolka ah ee dunida ku nool.

Balse sanadkani waxay hoosta ay ka xariiqday Oxfam in hantida ay heystaan 42 qof ee dunida ugu hodonsan ay heystaan kala dhaqaalaha ay heystaan dadka saboolka ah.

Mark Goldring oo ah madaxa fulinta Oxfam ayaa sheegay in heerka sinaan la’aanta intaani la eg ay tahay mid aan la aqbali Karin.

Warbixinta ay soo saartay Oxfam ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli beri uu ka furmayo magaalada  Davos ee dalka Switzerland shirka madasha dhaqaalaha aduunka.

Shirkani oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galayo mas’uuliyiin waa weyn iyo ganacsata dunida.

Goobjoog News