U bood dhigaalka

Hargeisa: Maxaabiis Argigixiso U Xiran Oo Cuntada Ka Soomay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeisa ee Somaliland ayaa sheegaya in 9 maxbuus oo kiisas argagixiso u xidhan ay cuntada ka soomeen, kooxdan ayaa ku xiran xabsiga wayn ee magaalada Hargeysa.

Maxaabiista ayaa waxay ka cabanayaan in xabsiga ay ku muddo dhaafeen, sida uu Goobjoog News u sheegay qareenkooda Maxamed Axmed Abokor. Maxabiistan ayaa cuntada ka sooman 3 maalmood ee u dambeeyay.

Dhinaca kale, saraakiisha wasaaradda caddaaladda Somaliland oo aan kala xidhiidhnay arrinta maxaabiistan cuntada ka soomay wey ka gaabsadeen in ay ka hadlaan.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa sannadkii 2007kii cafis xabsi ka qafiifin ah u sameeyay maxaabiistan, hase ahaatee 2008dii ayuu kala noqday madaxeyne Rayaale cafiskii ka dib qaraxyadii ka dhacay magaalada Hargeysa.

Goobjoog News