U bood dhigaalka

Somaliland: Arday Banaanbax Dhigaysay Oo Lagu Xiray Hargeysa

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta arday wax ka barata mid ka mid ah iskuulada ku yaallo magaalada oo banaanbax ka dhigayay Afaafka hore ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland in ay xireen ciidamada Ammaanka.

Ardayda la xiray ayaa la sheegay in ay kor u dhaafayaan 30 arday kuwaas oo isugu jiray wiilal iyo Gabdho, xilli ay banaabax Ardayeed ay ka dhigayeen Hargeysa.

Ciidamada Ammanka Somaliland ayaa rasaas ku kala eryay arday kuwaa oo ugu dambeyn qeyb ka mid ah ardayda xabsiga u taxaabay.

Ardayda ayaa ka cabanayay shaqa ka joojin wasaaradda ay ku sameysay Mid ka mid ah maacalimiintooda wax barta.

Wararka ayaa sheegaya in ardaydan ay wax ka baranayeen Dugsiga sare ee Faarax Oomaar, kaas oo wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ay shaqa ka joojin ku sameysay maamulahooda.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ardayda oo isku soo bax balaaran ka dhigeysa Afaafka hore ee wasaaradda.

Illa iyo hadda maamulka Hargeysa iyo kan Somaliland kama hadlin dhacdada saaka lagu xiray ardayda Dugsiga sare ee Faarax Oomaar.

Hoos ka daawo Muuqaalka Ardayda Banaanbaxa dhigeysa 

Goobjoog News