Hargeysa : Warbixin Xiiso Badan oo Ka Hadlaysa Aroosyada Miyiga iyo Aqal Soomaaliga

Aqal SoomaaligaIyada oo magaalo-soo-galka Soomaalida uu aad u kordhey afartankii sano ee lasoo dhaafay ayaa laakiin waxaa wali jira reer miyi aad u badan kuwaasi oo wali heysta dhaqan Soomaaligii qarni ka hor jirey.

Dhaqan Soomaaliga waxaa udub dhexaad u ah aroosyada iyo waliba hoyga aqal Soomaaliga, waxaana warbixin arrintaasi ku saabsan diyaariyey wariyahaneea magaalada Hargeysa Cumar Cali Xassan Seerbiya, kaasi oo u kuurgalay dhaqan-Soomaaliga wali sidiisii u jira.

Wariyaheena ayaa waxa uu ka qeybgalay aroos ka dhacay deegaanka Seylo Galbeed oo ku yaala gobolka Waqooyi Galbeed, wuxuuna sharaxayaa waxyaabihii uu indhihiisa ku arkay

Gabadha arooska ah marka loo galbinayo aqalkeeda waxaa hareeraha ka soconaya koox dumar ah oo qaadaya heeso dhaqameed ay kula dardaarmayaan gabadha, kuna hoga tusaalaynayaan sidii ay reerkeeda u dhaqan lahayd.

Wiilka arooska ah ayaa isaga waxaa soo galbinaya koox rag ah oo ka mid ah nin wadaad ah, kuwaasi oo qaadaya qasiidooyin ama dikriga nabi amaanka.

Labada kooxood ayaa isugu imanaya aqalka hortiisa, waxaana lagu soo gabogabaynayaa qasiidada, kadibna gabadha waxaa gacaha loo galinayaa saxan biyo ah oo aqalka hortiisa yaala, waxaa sidoo kale loo xambaarinayaa ilmo wiil ah , waxaana loo dhiibayaa dhiil ay caano ku jiraan.

Caasho Axmed oo ah haweeneey 90 jir ah waxayna sharaxaysaa waxa ay ka dhiganyihiin caado-dhaqameedyada “Sababta wiilka iyo dhiisha caanaha ku jiraan loogu xambaarinayo waa iyadoo loo rajaynayo wiil iyo caano iyo waliba baraaro”.

Dadka arooska kasoo qeybgala ayaa isugu tagaya meel gole ah, halkaasina waxaa lagu xulanayaa hal wiil oo hormuud ka noqdo qaadista suugaanta iyo heesaha dhaqanka, waxaa kale oo la dooranayaa labo wiil oo iyagu durbaano iyo caagado u garaaca ciyaaraha.

Waxaa dhaqan ah in qofka madaxa la taabto oo kadibna lagu xujeysto in uu hees qaado ama hal xiraale.

Dad ku xeeldheer arrimaha miyiga waxa ay sheegeen in barigii hore ay gabayada ku badnaayeen aroosyada , balse dhaqankii magaalada oo miyiga saameyn ku yeeshey awgiis ayaa waxaa haatan laga qaadaa heesaha magaalada, hase yeeshee gabayada kama maqna.

Qoysaska gabadha iyo wiilka ayaa waxaa caado ah in goobta ay kasoo jeediyaan suugaan lagu amaanayo lamaanaha, tusaale reerka gabadha dumarka ka socda waxa ay tirinayaan suugaan kala duwan oo ay ku amaanayaan dhererka, dharxirashada iyo hubqaadka gabadha, iyaga oo sidoo kale wiilkana u duurxulaya, kana dalbaya in uusan gabadha dayicin, waxa kale oo ay suugaan kula dardaarmayaan gabadha iyaga oo ku dhahaya “Arigaaga oo soo didaan kaaga digayaaye”.

Dhageyso

Goobjoog News

Related Articles

32 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW