U bood dhigaalka

Haween is Xilqaamay oo Olole nadaafadeed ka sameeyey Magaalada Luuq iyo xeryaha barakacayaasha Luuq

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah haweenka degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa ka billaabay degmadaasi olole nadaafadeed oo ay qashinka uga ururinayaan xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay iyo Xeryaha ay ku jiraan dadka Barakacayaasha ah ee ku yaala duleedka degmadaasi.

Gabar u hadashay haweenka Degmada Luuq oo lagu magacaabo Xareedo Xasan Yarow ayaa Goobjoog u sheegtay inay ololaha nadaafadda oo socdey mudo shan maalin ah in ay uga  gol leeyihiin sidii ay u soo celin lahaayeen bilicda magaalada, ugana hor-tagi lahaayeen cudurrada ka dhasha nadaafad-xumada,

Olaha nadaafada ayaa waxaa ka qeyb qaatay haween gaaraya 92 qof oo gacan ka helayay maamulka dagmada Luuq oo ku caawiyay haweenka gaadiidka fogeynayay qashinka.

Howlaha nadaafada ayaa waxaa ka faa’iideystay xaafadaha magaalada iyo 22 Xero oo ay ku jiraan dadka Barakacayaasha ah ee ku yaala duleedka Degmada Luuq,

meelaha ugu daran ee ay ololaha nadaafadeed ay ka fuliyeen ayey sheegtay in ay ka mid yihiin suuqyada, hareeha webiga,goobaha Caafimaadka, Wadooyinka, meelaha baabuurta lagu dhaqo iyo weliba Xeryaha ay ku jiraan dadka Barakacayaasha ah.