U bood dhigaalka

Haween Lagu dilay Tiyeeglow iyo Raggii Dilkaas Fuliyay oo Qaarkood Lasoo Qabtay

Sheeko:Dalka

7 Haween ayaa lagu dilay degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool sida uu Goobjoog u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Tiyeeglow Maxamed Cabduule Xasan food Cadde.

Labo Haween ayaa qoorta looga jaray dibadda magaalada, dhinaca kale Gudoomiyuhu ayaa sheegay in shan kale oo haween ah uu rasaas ku fureen raggii qaraabada la ahaa labadii haween ee la gowracay.

Rag haweenka dambe dilay ayuu sheegay Food Cadde in ay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda, isagoo intaa raaciyay in labo ka mid ah ragas ay soo qabteen ciidamada Itoobiyaanka eek u sugan deegaanka.