U bood dhigaalka

Haween Soomaaliyeed Oo Lagu Kufsaday Xerada Qaxootiga Kaakuma Ee Dalka Kenya

Sheeko:Dalka

Xerda qaxootiga Kaakuma oo in ka badan 700 oo Km u jirta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa laga soo sheegayaa dhibaatooyin kali u ah dadka Soomaaliyeed ee halkaasi qaxootiga ku ah .

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool loo gaysanayay falal isugu jira dil, dhac iyo kufsi, waxaana habeen kahor oo ugu dambeeysay kufsi loogu gaystay Labo gabdhood oo midi umul tahay.

Isbitaallada Kaakuma ayaa waxaa la geeyay dhaawacyo badan oo qaarkood lagu dhibaateeyay Baangado iyo waxyaabo kale.

Dhacdooyinka is daba joogga ah ee lagu hayo Soomaalida ayaa sababay in maanta xerda uu ka dhaco banaanbax cabasho ah ,oo ay dhigayaan dad u badnaa dumar iyo dhallinyaro.

Inkastoo dadka halkaasi ku sugan ay afka ka dhowrayaan cidda falalkaan ka dambeysa hadana wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay sameynayaan dhibaatooyinka ay ku beegsanayaan bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Kaakuma oo la hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in hadda ay doonayaan in dalkooda dib loogu soo celiyo maadaama dhibaatadii ay ka carareen mid ka daran ay la kulmayaan.

“Habeenkii guryaha ayaa loo galayaa haweenkii waa la kufsanayaa Booliiskana wax ay ka qabanayaan arrinkaasi ma jirto, habeen hore Laba nin oo qoryo ku hubeysan ayaa soo galay mid ka mid ah guryaha Kaakuma, waxay kufsadeen gabar Soomaali ah, sidoo kale waxaa jirta kufsi loo geystay gabar umul ah oo gurigeeda loogu dhacay, dhibaatadanna waxay u gaar tahay muwaadiniinta Soomaaliyeed” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegtay mid ka mid ah haweenka ku dhaqan Xarakada Kaakuma.

Qof kale oo naga codsaday in magaciisa aan warbaahinta loo adeegsan ayaa isna inoo sheegay in ciidamada Kenya ay xeryahooda ku jiraan, islamarkaana aanay waxbo ka qabaneyn dhibaatooyinkaan jirta.

“Isbitaallada wey buuxaan dhaawacyo badan ayaa la geeyay, waxaa sidoo kale la geeyay haween la kufsaday, dadka waxaan sameeyanaya waa kuwa dalkaan u dhashay (Kenya), ciidamada Kenya waxba ma qabanayaan xeryahooda ayeey ku jiraan, habeen walbana guryaha ayeey soo galayaan”

Dowladda Kenya iyo hay’adaha ku shaqada leh arrimaha qaxootiga weli wax war ah kama aanay soo saarin dhibaatadan loo geysanayo Soomaalida Qaxootiga ku ah dalka Kenya.

Goobjoog News