U bood dhigaalka

Haween Soomaaliyeed Oo Lagu Maxkamadeynayo Maraykanka

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla dalka Maraykanka ayaa waxaa ka billaabatay dhageysiga dacwad loo haysto Labo haween Soomaaliyeed ah kuwaasi oo horay loogu eedeeyay inay taageeareen Xarakada Al-shabaab.

Hinda Cismaan Dhiirane iyo Muno Cismaan Jaamac oo ah haweenka la maxkamadeynayo ayaa la sheegay inay dhaqaale iyo suugaan ku taageereen Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay in ay taageero ka geysteen weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Westgate Mall oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Paula Deutsch oo ah qareenka maxkamadda Federaalka dalka Maraykanka waxa uu sheegay in haweenkan caddaaladda la marin doono.

Dhanka kale qareenada difaacaya haweenkan ayaa waxay sheegayaan in lacagaha loo haysto inay u direen Al-shabaab ay u diri jireen ehladooda ku nool geeska Afrika.

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer sidaan oo kale loo soo taagay maxkamad iyadoo lagu eedeynayo inay taageerayeen Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News