U bood dhigaalka

Haweeney Ajaanib Ah Oo Lagu Qafaashay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Haweeney ka mid aheyd shaqaalaha Ajaaniibta Hay’adda ICRC lagu afduubtay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaabka afduubka u dhacay.

Afduubka ayaa ka dhacay xarun Hey’adda ICRC ku leeyihiin degmada Wadajir, gaar ahaan laami yaraha Zoobe.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in afduubkan uu ka dambeeyay nin ka mid ahaa Ilaalada gaarka ee xarunta ICRC ee Muqdisho.

Ilaalada Xafiiska ICRC ee Muqdisho ayaa ah kuwo Soomaali ah oo ka tirsan shirkad gaar loo leeyahay oo ammaanka qaabilsan.

Lama xaqiijin ilaa hadda  dalka ay u dhalatay haweeneyda ajaaniibta, waxaana afduubka kaddib xarunta tagay Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo baaritaanno sameeyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News