Haweeney daryeel la'aan ugu geeriyootay degmada Dhoobleey

Isbitaalka Guud ee Dhoobley
Isbitaalka Guud ee Dhoobley

Maamulka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in haweeney ay daryeel la’aan dhinaca caafimaadka ah ugu geeriyootay cisbitaalka degmadaasi.

Isbitaalka guud ee Dhoobleey oo ku yaalla degmadaas ayaa lagu soo waramayaa in dawo la’aan ay xilligan ka jirto taasi oo keentay in adeeg caafimaad oo dhameysatiran aysan dadku ka helin Isbitaalkaasi.

Guddoomiyaha maamulka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose Qeex Maxamed Cabdullaahi oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in todobaadkan ay haweeney ugu geeriyootay isbitaalkaasi daryeel la’aan xilli ay dawo la’aan ka jirto isbitaalka guud ee degmada Dhoobleey.

Hoos ka dhageyso codka Qeex Maxamed Cabdullaahi:

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW