U bood dhigaalka

Haweeney Diidan Siyaasadaha Qatar oo Labo Habeen Bariday Albaabka Safaaradda Dooxa ee Muqdisho

Sheeko:Amniga
Haweeney horay musharax ugu aheyd mid ka mid ah madaxtinnimada dowlad goboleedyada ayaa labadii habeen ee lasoo dhaafay waxaa ay ku bariday albaabka safaaradda Qatar ee caasimadda Muqdisho iyada oo ka cabaneysa siyaasadaha Dooxa ee ku aadan Soomaaliya.
 
Suuban Mahad Dirir, oo horay u aheyd musharax madaxweynaha Jubbaland ayaa in ka badan 48 saac waxaa ay hor fadhisay safaaraddan iyada oo sheegtay in la diiday in laga dhageysto cabashadeeda taa badalkeedana ay ilaalada si xun ula dhaqmeen.
 
Suuban M. Dirir oo la hadashay Goobjoog News ayaa intaa ku dartay in sababta ay safaaradda Qatar ugu bariday habeenno ay tahay in ay cambaareyso dhaqanka siyaasadaha Dooxa ee ku aadan Soomaaliya, waxay sidoo kale eedeyn u jeedisay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha NISA.
 
Dirir waxaa ay ku doodday in maamulka Tamiim uu mar kasta faragelin ku hayo arrimaha siyaasadda dalka, isla markaana uu go’aamiyo cidda Soomaaliya madax ka noqoneysa, haatanna la gaaray in la kala caddeeyo, waxaa kale oo ay xummaan iyo dhibaato kale u aragtaa in Dooxa ay olog ku yeelato gudaha Soomaaliya, taasi oo sida ay qabto waxyeeli karta qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
 
Mar sii horreysay waxaa ay sidoo kale Twitterkeeda soo dhigtay sababta ay u joogto safaaradda horteeda: