U bood dhigaalka

Haweeney Is Qarxin Rabtay Oo Lagu Toogtay Baardheere

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Booliiska ay toogteen haweeney la sheegay in ay isku qarxin rabtay saldhigga degmadaasi.

Haweeneydan oo gaari ka yimid magaalada Baydhabo uga degtay halkaasi, ayaa la sheegay in ay ugu horreyn Bam gacmeed ku tuurtay askar fadhiday Kontaroolka ka horreeya saldhigga, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen Labo askar.

Balse ciidankii kale ee ka dambeeyey askartaasi ayaa rasaas ku furay haweeneydan, iyaga oo halkaasi ku dilay, sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmadaasi.

Ciidamada ayaa intaasi kadib meydka haweeneydan baaritaan kula dhaqaaqay, waxaana ay ka heleen walxaqa qarxa oo ay xirneyd iyo sidoo kale kaar aqoonsi oo muujinaya iney ka tirsan tahay Al-shabaab.

Meydka haweeneydan ayaa la geeyey halka loo yaqaan Taalada oo ah meel fagaare ah, waxaana isugu soo baxay shacabka ku dhaqan degmada Baardheere oo daawanaya.

Saraakiisha ammaanka magaalada Baardheere ayaa sheegay in warbaahinta ay dib ka siin doonaan faah faahinno buuxda oo arrintan la xiriirta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News