U bood dhigaalka

Haweeney Ka Mid Ahayd Dhaawacyadii Loo Qaaday Turkiga Oo Geeriyootay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhaawacyadii shalay laga qaaday magaalada Muqdisho oo aheyd dumar ay geeriyootay, Aamina Cusmaan Kheyre oo dhaawaceeda ahaa mid culus ayaa la sheegay inay geeriyootay intii loo sii waday Isbitaalka.

Illaa afar Isbitaal oo ku yaalla magaalada Ankara ayaa loo kala gudbiyay dhaawacyada, waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga ka qeyb qaadanayaan sidii ehelada la socda dhaawacyada ay uga caawin lahaayeen dhanka turjumaada.

Dowladda Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixineysa gurmadka dhaawacyada iyo sidii xaaladooda loola tacaali lahaa, waxaana shalay u soo dirtay Muqdisho diyaarad qaas ah oo loogu tala galay in xaalada dhaawacyada lagula tacaalo.