Haweeney Lagu Dilay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose

Degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa lagu dilay Haweeney magaceeda lagu sheegay Farxiyo.

Dad la sheegay in ay dirirsanaayeen seyga haweeneydaan ayaa fiidkii xalay yimid hoygeeda, waxaana la sheegay markii ay waayeen seygii ay raadinayeen in haweeneydii ay Mindi (Toorey) ku dileen sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Mas’uuliyiin ka mid ah maamulka degmada Afgooye oo aynu xiriir la sameennay ayaa si kooban u sheegay in la wado baaritaanno ku aadan dadkii ka dambeeyay dilka haweeneydaasi.

Warar madax banaan oo ay heshay Goobjoog News waxay sheegayaan in ehlada haweeneydii la dilay ay aqoonsadeen dadkaasi.

Dadka ku dhaqan degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa maanta aad u hadal haya dhacdadani.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW