U bood dhigaalka

Haweeney Lagu Eedeeyay Iney Tahay Al-shabaab Oo Isku Dhiibtay Booliiska Kenya

Sheeko:Dalka

Haweeneyd loo haystay iney ka tirsan tahay Al-shabaab, islamarkaana dowladda Kenya ay horay madaxeeda u dul dhigtay lacag ayaa si nabad ah waxay isugu dhiibtay Booliiska dalkaasi.

Mumina Eroba ayaa la xaqiijiyey in Talaadadii ay isku dhiibtay Booliiska Kenya, iyadoo hadda ay hayaan hay’adaha dambi baarista.

Maxamuud Saalax oo ah isku duwaha gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in guul ay tahay is dhiibista haweeneydan.

Waxa uu tilmaamay Saalax in sidoo kale ay rajeynayaan iney is dhiibaan xubnaha kale ee baadigoobka loogu jiro ama lasoo qabto.

Mumina Eroba ayaa waxaa la dul dhigay lacag dhan Hal Milyan oo Kenya Shilin ah, waxaana lagu eedeeyay iney wax ka qorsheysay weerar bishii Febraayo ee sanadkaan ka dhacay tuulada qarsa oo ka tirsan Wajeer.

Goobjoog News