U bood dhigaalka

Haweeney Lagu Gawracay Degmada Yaaqshiid Ee Magaalada Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu gawracay Haweeneey ka mid ahayd dadka deegaanka, taas oo lagu gawracay hoygii ay deganeyd.

Dadka deegaanka ayaa kusoo baraarugay Haweyneedaan Meydkeeda oo guriga dhexyaalo, iyadoona dilkeeda warar ilaa hadda aan lagu kalsooneen ay kasoo baxayaan.

Dadka qaar ayaa sheegaya in dilka uu ka dambeeyay saygeeda, hase ahaatee wararkaasi ayaa ilaa iyo iminka ahayn mid lagu kalsoonaan karo.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Yaaqshiid oo falkaan ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in halkaasi ay aad usoo buuxiyeen dadka ku dhaqan xaafadda, iyadoo ilaa iyo xilligaan halkaasi aanay gaarin ciidamada dowladda Federaalka.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News