U bood dhigaalka

Haweeney Maalmo Lagu Weysnaa Baydhabo oo Meydkeeda Lasoo Helay

Sheeko:Amniga
Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo helay meydka haweenay maalamaha lagu waysanaa gudaha magaalada baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka, haweenayda ayaa la waayay maalimadii Jimcada aheyd ee tagtay.
Ciidanka hay,ada oo maalmihii tagay waday baaritaan ku aadan qaabka loo waayay, iyadoo aan la ogeyn nolol iyo geeri waxaa ay ku sugan tahay Amino maxamed malaaq ayaa ciidanku waxaa ay kasoo heleen Meydkeeda iyadoo la dilay , kadibna lagu riday Boosaneer guri ku yaala xaafada buula jimeec.
Taliyaha hay’adda Nabadsugida Iyo Sidoonka Koonfur Galbeed Oo ku sugnaa goobta meydka haweenayda laga helay   ayaa sheegay in ciidanka ay hada gacanta ku hayaan Maxamed xasan maxamed Aadan loo yaqano goomey oo looga shakiisan yahay in uu ka dambeeyo dilka marxuumadda.
Goobjoog News