U bood dhigaalka

Haweeney Seygeeda Ku Dishay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaa xalay ka dhacday dhacdo dad badani ay ka naxeen, kadib markii Haweeney ay seygeeda ku dishay magaaladaasi.

Xaafadda Xaawo Taako, laanta Buulo Xabley ee magaalada Baladweyne ayeey dhacdadaan ka dhacday, ka dib markii Haweeneydaan ay Mindi gelisay Seygeeda, durbadiiba uu halkaasi ku dhintay.

Qof ka dhaw halka ay wax ka dhaceen ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in marxuumka lagu magacaabayay Cabdi Aadan oo 27-sano jir ah, waxaana xaaskiisa maalmihii ugu dambeeyay kala dhaxeeya muran la sheegay in dhanka qoyska uu la xiriiro.

Dilka ka dib, waxaa goobta ka baxsatay haweeneydii dilka geysatay, iyadoo ciidamada ammaanka ay wadaan howlgal ay haweeneyda ku baadi goobayaan.

Meydka Marxuum Cabdi ayaa saaka lagu aasayaa qabuuro ku yaalla magaalada Baladweyne, waana dhacdadii ugu horeysay ee midaan oo kale ah, kana dhacday xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Baladweyne.

Goobjoog News