U bood dhigaalka

Haweeney Shaqo Abuur Ka Sameysay Xarunta Qaxootiga Ee Boosaaso (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Iyada oo ku dhex jirta buush yar oo uga dhisan xerada dhexdeeda isla markaana aad u daalan ayay weli isku deyeysaa in ay qanciso macaamiil tiro badan oo hareeraha ka taagan.

Wiil yar oo ay dhashay oo shaqada ku caawinaya ayay fareysaa in uu dadka u adeego.

Cad-ceedda ayaa aad usoo kululaatay, dadka qaar wey qeylinayaan iyagoo u muuqda in uu dulqaadkii kasii dhamaanayo, waxay sugi la’yihiin dadka iyaga ka horreeya ee loo adeegayo.

Waxay dadku doonayaan in laga iibiyo biyo qaboow oo Baceysan, baraf iyo jallaato, dadka wax iibsanaya waxay isugu jiraan carruur yar yar oo lasoo adeegsaday, haween isa soo dhibay maadaama kulka boosaaso xilligan uu aad u daran yahay iyo kuwo dhalinyaro ah oo la qabsaday cimilada.

Xabiibo Cabdulle yaxye laba bilood ka hor ayay doon uga timid wadanka yemen oo ay ka soo carartay markii halkaas ay dagaaladu ku xoogeysteen halkan ayayna ganacsigan ka abuuratay.

“Waxaan ka imid yaman waan soo qaxay, waxaan soo raacay doonyahay, ka bacdi xeradaanaan soo galnay, xerada markaan ka baxnayna deegaanaan noqday ka dibna waxaan galay ganacsigeeygaan” Ayey ii sheegtay

Ganacsigan waa mid yar laakiin ku filan nolosha qoyskeeda oo ka kooban kow iyo toban ruux, waxayna ganacsiga ku bilowday lacag yar oo dhowr boqol oo dollar ah oo ay xerada ku siiyeen gudiga taakuleynta dadka ka imaanaya yemen.

“Lacag Sedex boqol oo dollar ah ayaan ganacsigan ku bilaabay nolosha qoyskeeygana wuu ku filan yahay alxamdulillaah” Ayey sidoo kale hadalkeeda raacisay

Xerada dhexdeeda dhowr meel oo kale ayaa lagu iibiyaa barafka, biyaha iyo jalaatada, hayeeshee intooda badan halkan ayey usoo doontaan weliba qaarkood waa macaamiil joogto ah iyagoo taas ugu hiilinaya ganacisga xabiibo maadaama ay hal wadan wada kasoo carareen.

Xabiibo intii ay joogtay magaalada sanca ee wadanka yemen waxay ka shaqeyn jirtay iibinta dharka lagu wareejiyo xaafadaha ee ay soomaalidu u taqaano Ha-i-wareerinta, waxayna ku dabari jirtay nolosha qoyskeeda.

Dadka ka imaanaya wadanka yemen ee sida iskood ah u sameeystey shaqo abuur si ay noloshooda ugu filnaadaan inta la ogyahay waxa ay xabiibo ka noqoneysaa kunkii qofba hal, waxayna aaminsan tahay in qofka oo shaqeysta uu ka fiican yahay halkii uu ka ahaan lahaa mid had iyo goor suga gacan kale oo kaalmeysa si uu u noolaado.

Dadka falanqeeya arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha waxay tilmaamayaan in dadka kasoo laabanaya yemen ee hadda kaalmada loo fidinayo haddii aysan iyagu sida ugu dhaqsiyaha badan ula imaanin hal abuur shaqo oo ay noloshooda ku maareynayaan in ay taasi keeni karto, xaalad dhaqaale iyo bulsho oo aad u xun oo soomaaliya soo wajahda mudada dhow.

Sababtoo ah kuwo badan oo illaa maanta weli ku jira xerooyin barakac ayaan waxba haba yaraatee horukac ah ka sameeynin nolosha, maadaama ay isu arkaan  kaalmo sugayaal aan nolosha dhisan karin.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

 

DSC04734 DSC04720 DSC04721 DSC04723 DSC04724 DSC04725 DSC04726 DSC04727 DSC04728 DSC04729 DSC04730 DSC04731 DSC04732 DSC04733

WD/ Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

Sawir Qaade:- Maxamed Salaad Cismaan

Goobjoog News

Boosaaso – Soomaaliya.