U bood dhigaalka

Haweeney Soomaaliyeed oo Holland Lagu Xukumay Taageeridda Al-shabaab

Sheeko:Caalamka

Dowladda Hollan ayaa waxaa ay xukun ku ridday Haweeney Soomaaliyeed, oo haysata dhalashada dalkaas, kadib markii  lagu soo eedeeyay in ay lacago boqolaal dollar ah ugu deeqday ururka Al-Shabaab, oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta midowga afrika ee ATMIS.

Haweenayda ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Farxiya Xasan oo 38-jir ah, ayaa aad uga yar 8-dii sano oo ay dacwad-oogayaashu dalbadeen in lagu xukumo gabadhaas, kadib markii maxkamadda la horgeeyay ku talla degmada Alexandria ee dalka Mareykanka ay  ku heshay in ay taageero dhaqaale siiso Alshabaab.

Maxkamadda ayaa waxaa ay Farxiya Xasan ku xukuntay 3 sano oo xabsi ah, Haweeneydaan, oo leh lix carruur ah, ayaa magangelyo ka heshay dalka Holland, iyadoo dhallinyaro ah, waxayna degtay magaalada Terneuzen, waxaana lagu soo eedeeyay in ay dhaqaalo u dirto Al-shabaabka Soomaaliya ku sugan.

Goobjoog News