U bood dhigaalka

Haweeney Xaamilo Ah Oo Aano Qabiil Loogu Dilay Galgaduud.

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Kaxandhaale ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Haweeney Xaamilo ah lagu dilay deegaanka.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka goob lagu magacaabo Macalin Khaliif oo ah xadka dalkeenna uu la wadaago dhigiisa Itoobiya.

Waxaana wararka ay sheegayaan in haweeneyda oo lagu magacaabo Hodan Cabdi Jamaac loo dilay aano qabiil oo u dhaxeysa dadka wada daga deegaanka Kaxandhaalle.

Illa iyo hadda maamulka galmudug iyo kan galgaduud ayaanan dhacdadaan wax war ah ka soo saarin.

Goobjoog News