U bood dhigaalka

Haweenka Ay Qabaan Al-shabaab Oo Laga Eryey Baardheere

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baardheere ayaa soo saarey ammar ah in haweenka ay qabaan ragga ka tirsan Al-shabaab kuna nool degmadaasi in ay degdeg uga baxaan degmadaasi.

Waxa uu maamulka degmada Baardheere oo ammarkan si qoraal ah usoo saarey ay haweenka u qabteen in degmada ay uga baxaan muddo Todobo cisho ah gudaheed, ciddii ammaarkaasi jabisana waxay sheegeen in tallaab adag laga qaadi doono.

Sidoo kale maamulka ayaa mamnuucay  meelaha lagu Kaarikeeyo batariga Taleefannada Gacanta, Harqaamnada, beerista iyo ka ganacsiga Tubaakada iyo dadka gaari gacannada  ku shaqeysta ee miisaska la fadhiya  bagaashka.

Go’aannadan ayaa lagu sheegay iney tahay sababo la xiriira amniga guud ee degmada Baardheere iyo sidoo kale wax ka qabashada dagaallyahannada Al-shabaab.

Ugu Dambeyn maamulka degmada Baardheere ayaa sheegay in cid walbo oo ammaradan qaadan weysa ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ayaa ka baqanaya in haddii go’aannadan dhaqan galaan in Xarakada Al-shabaab ay go’doon geliyaan degmadaasi.

Goobjoog News