U bood dhigaalka

Haweenka Gobalka Banaadir Oo Ka Walaacsan Haweenkii Lagu Kufsaday Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ururka Haweenka gobalka Banaadir ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen Haween la sheegay in dhawaan lagu kufsaday wadada isku xirta Afgooye iyo Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha ururkaasi Jawaahir Baarqab oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in ay maqleen kufsigaasi lagula kacay Haweenka, ayna u arkaan fal aad iyo aad u xun.

“Falka dhacay waa fal aan wanaagsaneen, waan ka xunnahay, umadaan waxay u baahan yihiin wacyigelin, dadka waa in loo sheegaa dhibaatada kufsiga uu leeyahay, Culimada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay wacyigeliyaan shacabka Soomaaliyeed” ayeey tiri Jawaahir.

Qof walba oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ayeey sheegtay in waajib ay ku tahay inay wax ka qabato falalkaan kufsiga ah ee loo geysanayo Haweenka Soomaaliyeed, loona istaago in meel looga soo wada jeesto dadka caadeystay in Haweenka kufsadaan.

Gudoomiyaha deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose Sayid Baalle Mayow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in 15-kii bishaan wada isku xirta deegaankaasi iyo degmada Afgooye lagu kufsaday Shan Haween ah.

Goobjoog News