U bood dhigaalka

Haweenka Puntland Oo La Horumarinayo

Sheeko:Dalka

Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee maamulka Puntland ayaa billowday qorsheyaal lagu horumarinayo haweenka ku nool deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Kulan lagu qabtay magaalada Garoowe gelinkii dambe ee shalay, kana qeybgaleen haween badan ayaa looga hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa haweenka Puntland loona abuuri lahaa shaqooyin noloshooda ay ku maareeyaan.

Aniso Xaaji oo ah wasiirka Haweenka maamulka Puntland oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in haweenka Puntland ay horumar ka gaareen qeybaha kala duwan ee bulshada, ayna jiraan haween shaqo abuur loo sameeyay oo hadane ka miro keenay shaqooyinkooda.

Waxay sheegtay wasiiradda in haweenka Puntland aanay xilligaan u baahneen dhiiro gelin balse ay u baahan yihiin dhaqaale iyo maalgelin.

Dhinaca kale wasiirka Haweenka Puntland ayaa ugu baaqday qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland inaysan faquuqin haweenka, sidoo kalena ragga qaar ay joojiyaan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.

Goobjoog News