U bood dhigaalka

Haweenka Qaranka: Carab Nooma Kala Sokeyso…Go’aanka Dowladda Soomaaliya Waa Mid Xikmad Badan

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo la hadashay Goobjoog News ayaa ammaantay go’aanka dowladda federaalka ah ee dhex-dhexaadnimada.

Batuulo Axmed ayaa ugu horeyn sheegtay in dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan shacabka Soomaaliyeed ka farxiyay, kaas oo ahaa in aan loo kala hiilin dad walaalo ah oo is qabtay.

“Carab nooma kala sokeyso, waxaan nahay dad Muslimiin ah, waxaa haboon in aan dhex dhexaad ka noqono walaalo is haya” ayey intaasi ku dartay.

Maamo Batuulo ayaa sidoo kale ka hadashay in shacabka Soomaaliyeed ay gara istaagaan dowladda, lana taageero go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ee ay qaadatay iyada oo arrintaas ku sheegtay mid xikmad ku jirto.

Marwo Batuulo Axmed Gaballe waa guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxaa ay sidoo kale qeyb tahay ololaha abaaraha iyo dib u heshiisiinta ee dalka ka jira.

Goobjoog News