U bood dhigaalka

Haweenka Qaranka: Dhallinyarada Tahriibka Waxaa Ku Kallifay Shaqo La’aanta Dalkooda

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in dhallinyarada shaqooyin loo abuuuro si ay tahriibka uga baaqsadaan.

Waxay Musiibo qaran ku tilmaantay dhallinyaradii Soomaaliyeed ee dhawaan ku dhintay badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga xilli ay tahriibayaal ahaayeen.

“Arrintaasi waa mid murugo leh, waa arrin gubeysa uurka Hooyo iyo Aabe walbo oo Soomaaliyeed, waa musiibo nagu dhacday hadii aynu nahay Soomaali in carruurteenu dalkoodii ay ka waayaan fursado ay ku shaqeystaan, fursado ay ku noolaadaan ay ku kallifto inay badda galaan oo ay ku dhintaan, waa siyaasad xumadeenna iyo garasho la’aanteenna, shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay tan ka midooba, is cafiya, daldaloollada dhexdiina ah illooba, in la badbaadiyo umadda Soomaaliyeed oo dhanna badbaadiso ubadka Soomaaliyeed, ma ahan ilmaha in badda lagu guro, waan garan karnaa dhibaatada dhaqaale, midda amni xumo ee dalka ka jirta, canuga aanu haysan fursad uu ku kala doorto aayahiisa, Horumarkiisa, mustaqbalkiisa iyo wuxuu noqon lahaa, taasna ay ku kalliftay in dalka uu ka cararo oo badda ku cararo, arrintan aad bay noo gubeysaa hadii aynu nahay haweenka Soomaaliyeed, dowladda waxaan ka codsaneynaa inay furto albaabada mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed, wey waayeen wixii ay xuquuq u lahaayeen ee dalka, waxaa ku koreen daruufo aad iyo aad u adag, dagaal sokeeye, is nacayb iyo kala jab qaranka Soomaaliyeed ku dhacay, sidaa daraadeed waxay noloshaasi u doorteen inay badda ku dhammaadaan, waa wax dalkooda iyo dowladooda ay ka waayeen, sidaa daraadeed umadda Soomaaliyeed inay u sitaagto sidii loo samatabixin lahaa dhallinyarada, wax loogu qaban lahaa, rajo loo gelin lahaa, qaarna waxay inooga dhimanaayaan dagaalka sokeeye iyo qaraxyada iyo xabadaha loo dhiibayo oo aysan mustaqbal ku haysan, qaarna badda ayeey inooga dhammaadeen, waan ba’nay hadii aynu nahay Soomaali” ayeey tiri Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

12-kii bishan doon ay la socdeen in ka badan 500 ruux una badan Soomaali ayaa ku degtay badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga, waxaana la badbaadiyey oo kaliya 23 qof.

Goobjoog News