U bood dhigaalka

Haweenka Qaranka oo Ka Hadlay Kootada 30%, Guddiyo Ay Sameeyeen iyo Waxa ay Filayaan 2016-ka

Sheeko:Dalka

Dooddan oo aad u xamaasad badneyd waxaa ka qeyb galay Batuulo Gaballe, Jawaahir Baar-qab, Faadumo Qaasim Dhayib, Xildhibaan Fowziyo Xaaji Aden, Caasho Shaacuur, Maamo Sahro Sheekh Xuseen Cismaan  iyo haween kale.

Ugu horreyn, Batuulo Gaballe guddoomiyaha ururka qaranka Soomaaliyeed waxaa ay sheegtay in haweenka istaahilaan wax ka badan 30% iyadoo intaa raacisay in sanadkan ay  hubin doonaan  in qoondadaas 30%-ka ah ee  haweenka ku leeyihiin labada aqal aanay cid kale ku fariisan.

Maamo Batuulo waxaa ay carrabka ku adkeysay sida haweenka ay sanadkan isugu xiran yihiin iyo guddiyo badan oo ay u saareen sida  loo hubin lahaa in haweenka xuquuqdooda aan la dhinac marin.

Jawaahir Baar-qab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka  gobolka Banaadir  waxaa ay shaki gelisay sida loo fulin karo 30% -ka ah iyadoo ku doodday in meeshii go’aankaas lagu gaarayey aanay haween joogin, waxayna cabsi ka muujisay in ay dhacdo mar kale wixii dhacay 2012-ka.

Baar-Qab waxaa ay qabtaa in ragga ay damac badan yihiin iyo in-ragga- oo aaney wanaagsaneen aragtida ay haweenka ka qabaan, waxaa ay soo jeedisay in haweenka la keeno miiska wax lagu qeybsanayo ee iyaga aan waxba loo qoondeyn, haweenkana ay midoobaan.

Faadumo Qaasim Dhayib oo ah aqoonyahanad Soomaaliyeed ayaa dhankeeda sheegtay in haweenka 30% la siinayo ay tahay fikrad ahaan wax wanaagsan balse aaney dhici doonin oo balanta aan la Oofin doonin, Dhayib waxaa ay sababta ku sheegtay in 2012-ka la balan-qaaday tiro intan la mid ah balse ay heleen 14% .

Faadumo Dhayib  waxaa ay sidoo kale ka hadashay in haweenka ay 30% ku leeyihiin Beelaha, iyadoo soo jeedisay in dhallinyaradana sidoo kale  la siiyo 40%, si loo gaaro caddaalad iyo sinnaan.

Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aden oo barnaamijka ka qeybgashay ayaa ka hadashay in haweenka ay tiro ahaan ka badan yihiin ragga, haweenka Soomaaliyeedna ay ku jiraan baarlamanno caalami ah, Fowsiyo waxaa ay rajo fiican ka muujisay in haweenka 30% helayaan sanadkan oo  Odayaasha ayaa  qasab looga dhigay inay haween keenaan.

Dhankaas iyo Galmudug waxaa barnaamijka ka qeybgalay Xaliimo Jaamac, Faadumo Xaashi Faarax, Kowthar Cabdulahi oo ka tirsan bulshada rayidka ah iyo Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble, haweenkan waxaa ay sheegeen in aad u yar tahay waxa haweenka la siiyo.

Caasho Shaacuur oo ka tirsan bulshada rayidka ayaa sheegtay in ay habboon tahay in haweenka loo madax banneeyo inay iyaga  is doortaan, Shaacuur waxaa ay qabtaa in ay dooran doonaan gabdho aqoon leh oo dadka wax u qabanaya.

Caasho Shaacuur waxaa ay ku doodeysaa in maamul ahaan haweenka ay ka fiican yihiin ragga, oo haweenka wax lala qeybsan karo, iyadoo dowladda hadda jirta ku ammaantay in ay haweenka siisay wasaarado ay ka mid yihiin Caafimaadka, arrimaha haweenka iyo arrimaha dibadda taas oo haweenka ay codsadeen.

Maamo Sahro Sheekh Xuseen Cismaan waxaa ay sheegtay in xilliyadii hore ay  haweenka yareysteen 30% balse markan ay sameeyeen labo guddi si xaqqa haweenka loo soo dhiciyo.

Labada guddi waxaa ay Maamo Shahro ku sheegtay in ay kala yihiin mid farsamo oo qaabilsan hay’adaha iyo beesha caalamka iyo mid Marjac ah oo shaqadiisu tahay in ay la hadlaan Odoyaasha iyo dowladda Soomaaliya.

Maamo Sahro waxaa ay Goobjoog News u sheegtay in guddigooda ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari iyo ra’iisul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashid, labada nin waxaa ay balan qaadeen in sharciga doorashooyinka lagu daro 30%, arrintaas oo niyad wanaag ay ka muujisay.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,