U bood dhigaalka

Haweenka Soomaaliyeed Oo Xusul Duub Ugu Jira Sidii 30% Uga Heli Lahaayeen Doorashooyink Soo Socda

Sheeko:Dalka

Haweenka Soomaaliyeed ayaa isku diyaarinaya  in Doorashada dalka lagu qabanayo sanadkaan 2016 ay ka helaan 30%.

Caasho Cabdalla Siyaad oo ah Gudoomiyaha Hiigsiga iyo Siyaasada Hogaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in ay helaan Xuquuqdooda.

Waxa ay tilmaanta Caasha inay wadaan Olole xooggan oo ay ku doonayaan in Haweenka ay doorkooda ka helaan Siyaasada Dalka.

Haweenka ayeey sheegtay inay yihiin kuwo aad iyo aad ugu mihiim ah dalka, sidoo kalena haweenka hadii aanay ahaan lahayn aanu dalka joogi lahayn halka maanta uu joogo.

“Rajo weyn ayaan ka leenahay, baarlamaanka ayeey dadka u fikiraan 30% laakiinse baarlamaanka kaliya ma ahan ee waa xafiis walbo oo dowladda kamid ah inaan ka helno 30%, hadda waxtarka haweenka waa la arkay, waxaan aniga dareemayaa Odayadeena dhaqanka, waxgaradkeena, siyaasiyiinta haweenka ay meesha ka maqan tahay aanay jireen horumar, waa muhiim in haweenka ay ka qeybgalaan siyaasadda, waa muhiim inay fadhiyaan miiska lagu goynayo ama looga hadlayo aayaha dalka” ayeey tiri Caasho.

Mar ay ka hadleysay Caasha caqabadaha ay kala kulmi karaan hammigooda ayeey sheegtay in ay la yaabaan inay arkaan dad badan oo yasaya Haweenka.

“Caqabadaha horay nooga horyimid ayaa ah dhaqan casri jaahiliyadii ka yimid, Haweenka waa la yasayaa waxaa la leeyahay waxba ma qaban karaan, guryahooda ha fadhiyaan, haweenka iyaga oo reerkooda dhaqanaya ayeey hadane siyaadda kaalin ka qaadan karaan” ayeey hadalkeeda raacisay Caasha Cabdalla Siyaad.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa horay loo go’aamiyay in 30% laga siiyo dhammaan shaqooyinka hay’adaha dowladda, iyadoo Haweenka ay rajeynayaan in isbedallo middii hore ka duwan ay ka filayaan doorashada soo socota.

Goobjoog News