U bood dhigaalka

Hawlgal Ay Sameeyeen Xoogga Dalka oo Lagu Dilay Rag Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa in howlgal ay ka fuliyeen gobolka Bay ay ku dileen labo ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka oo ka dhacay meel 45 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay Ibraahim Macalin Cabdi(Ibraahim Geney).

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 2 qori nuuca AK47 ah iyo Baaskoolada leh 8 qasnadood,sida uu ku soo waramay wakiilka warbaahinta Qaranka ee gobolka Bay.

Dhanka kale howlgal qorshaysnaa oo ay ciidanka kumaandooska Danab ay ka sameeyeen degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa sidoo kale lagu dilay mid  kale oo lagu sheegay Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud halka 4 lasoo qabtay.

Goobjoog News