U bood dhigaalka

Hawlgal Ay Xoogga Dalka Ka Fuliyeen Shabeellada Hoose oo Lagu Dilay Saraakiil Al-shabaab ah

Sheeko:Amniga

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka oo howlgallada ka wada gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in howlgal ay fuliyeen ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab, halka ay tiro kale ay ku dhaawaceen.

Howlgalkan ayaa waxaa  uu si gaar ah uga u dhacay deegaanka Maracadde oo u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Marka waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 17  ka  tirsan al-shabaab, halka 6 kale lagu dhaawacay.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay intii howlgalka uu socday in ay burburiyeen xarumo Al-shabab  ay ku lahaayeen deegaanka oo ay kamid aheyd Maxkamad, sida ay baahisay idaacadda ku hadashasha afka ciidamada xoogga.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay howlgallo  kawadeen gobolka Shaneellada hoose, iyo gobolada kale waxaana badanaa ka dhaca dagaal u dhaxeeyo labada dhinac Al-shabab iyo xoogga dalka.

Goobjoog News