U bood dhigaalka

Hawlgallo Qorsheysan oo ka bilaabmay Jubbaland

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamada maamulkaas ay bilaabeen hawlgallo ka dhan ah ururka alshabaab.

Hoggaanka ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in ay bilaabeen hawlgallo ay alshabaab kaga saarayaan deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulkaas.

Ciidamada ayaa lagu wadaa in ay hawlgallo ka fuliyaan jubada dhexe iyo jubada dhexe oo qaybo kamid ah ay ku sugan yihiin ururka alshabaab.

Gernaal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow oo ah Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka, ayaa sheegay in uu u soo dhamaaday diyaargarowgii ay wadeen muddooyinkii la soo dhaafay haddana ay ciidamada u dhaqaajinayaan furimaha.

Jubbaland qaybo kamid ah ayaa ururka alshabaab waxa ay ku sugan yihiin muddo aad u dheer taas oo sababtay in deegaannada qaar aan la gaarsiin gurmadka bini’aadanimo ee loo qorsheeyay kadib abaarta ku dhufatay dalka.

Goobjoog News