U bood dhigaalka

Hay'ad laga leeyahay Poland oo maamulka gobolka Banaadir ka taageereysa ammaanka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta la kulmay xubno matalaya hay’ad fadhigeedu yahay dalka Poland oo taageero dhinaca amniga ah u ballan qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shir ay wada qaateen masuuliyiintaasi kadib ayaa warbaahinta waxaa la hadlay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cali Maxamuud Seeko waxaa uu tilmaamay in shirkadaasi ay ka caawin doonto maamulka gobalkan sidii loo xaqiijin laha amaanka Muqdisho.

Cali Seeko ayaa xusay in dowladda Poland ay ugu deeqeyso maamulka gobolka Banaadir qalab Satellite-ka ku xiran oo dhaqdhaqaaqa amniga la shaqeynaya.

Dowladaha Turkiga iyo Norway ayaa gacan weyn ka geystay dib u dhiska wadooyinka Muqdisho iyo hir gelinta nalalka ku shaqeeya ileyska cadceeda.