U bood dhigaalka

Hay’adii Maamulaysay Isbitaal Ku Yaala Deegaanka Ceel-dibir Ee Gobalka Mudug Oo Shaqo Joojin Sameynaysa (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

ceeHay’ad maamulaysay Isbitaal ku yaala deegaanka deegaanka Ceel-dibir ee gobalka Mudug ayaa sheegtay in gabi ahaanba ay joojinayso shaqadii ay ka haysay Isbitaalkaasi, iyadoo dadka ku dhaqan deegaankaasi ay wal wal ka muujiyeen arintani.

Isbitaalkaan ayaa gacanta waxaa ku haysay Hay’adda NRC, waxaana ay u sheegtay dadkii halkaasi ku sugnaa iyo maamulka deegaankaasi in gabi ahaanba shaqooyinkeeda la joojinayo sanadka cusub.

Mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmadaasi ayaa sheegay in wal walka ugu daran ay tahay in dadka ay waayaan meel ay caafimaad u doontaan, islamarkaana ay doonayaa sidii uusan isbitaalkaasi kusii shaqeyn lahaa.

Waxa uu sheegay in hay’adaan ay isku dayeen sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen in ay shaqada sii wado, hase ahaatee ay u sheegtay in waqtigii shaqadeeda loogu tala galay uu dhamaaday.

Dhanka kale Gudoomiyaha deegaankaasi Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa ugu baaqay Wasaaradda Caafimaad dowladda Federaalka iyo sidoo kale maamulka Gal-mudug in ay u istaagaan sidii ay u buuxin lahaayeen kaalinta ay hay’adaan baneynayso, halkaasina ay la gaaraan adeegyo caafimaad.

Deegaanka Ceel-dibir ayaa hoostaga degmada Hobyo ee gobalka Mudug, waxaana halkaasi ku dhaqan dad badan iyadoo hadii Isbitaalka deegaankaasi uu xirmo ay suurta gal tahay in dad badan ay dhibaato caafimaad darro soo wajahdo. Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News