U bood dhigaalka

Hay’ad samafal oo biyo dhaamin ka wada gobalka Gedo (Dhageysi iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Hay’adda samafalka ah ee SADO ayaa deegaano badan oo ka mid ah gobalka Gedo waxay ka wadaa howlo biyo dhaamin ah, xilli deegaano gobalkaasi ka mid ah ay biyo la’aan ka jirto.

Howshan balaaran ee Biyo dhaaminta ah ay Hay’adda Samafalka SADO ay ka wado Tuulooyin badan oo hoos taga degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq oo ah meelaha ugu daran ee ay abaarta iyo Biyo la’aanta sida daran u saameysay bilahii ugu dambeeyey ayaa ah mid hay’addu ay ugu talo gashey mudo Bil ah in Biyo gaarsiiso Kumanaan Qoys oo ku kala nool ilaa 17 tuullo oo hoos taga degmooyinkaasi.

Maxamed Qadar C/Nuur oo ka mid ah Howlwadeenada Hay’adda SADO oo la hadlayey Goobjoog Fm, ayaa sheegay maalmahii ugu dambeeyey in ay Gurmad biyo dhaamin ah ay ka sameeyeen tuulooyin gaaraya ilaa 17,oo ka kala tirsan degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq,tuulooyinkaasi oo ah kuwa ugu daran,iyadoo Qoyskastaana la siiyey maalintiiba 40litir oo biyo ah iyo 4 xabo oo kaniin biya sifeeya ah.

Tuulooyinka ugu daran ee gurmadka biyo dhaaminta ah laga sameeyey ayuu sheegay in ay ka mid yihiin Geriley,Daarasalaam,Dhuyac garoon,Dhomo- dheere oo dhamaantood hoostaga Baardheere,halka tuulloyinka hoostaga Ceelwaaq ee biyaha la gaarsiiyey ayaa waxaa ka mid ah Casha-cad , Elxar , Towfiiq ,Indha-ceel, Garsal, Samarone,Bambidhuub , Tuulo-hodan.,Anaaniya, Dharkeyn-jabay,Dhooble,Jambile iyo Dhiyabo. guud ahaanna waxaa la waraabiyay dad gaaraya 30,060 qof oo u dhiganta ilaa 5010 Qoys.

‘Waxaa kale oo qorshaha noogu jira inaan caawino Qoysaska faraha badan ee ay waxyeelada ka soo gaartey Abaarta iyo Biyo la,aanta,sida inaan ka taageerno gargaarka Biyo dhaaminta,sameynta Waro biyoodyo iyo Lacago la qorsheeyey in la siiyo Qoysaska Danyarta ah sidaasi waxaa yiri Maxamed Qadar.

Hay,adda Samafalka Wadaniga ah ee SADO ayaa mudo ka badan ilaa 20 sanno waxay howlo isugu jira Gargaar bini,aadinimo iyo Horomarinta mashaariicda ka wadey Gobolada Gedo,Koonfurta Soomaaliya iyo weliba Gobolada Dhexe.

Mana ahan markii ugu horeysay oo Gurmad noocani oo kale ah ay u sameyso dad ay waxyeelo ka soo gaartey Abaaraha iyo Biyo la,aanta,gurmadkani Biyo dhaaminta ah ayaa ku soo beegmaya xilli weli tuullooyinkaasi ayan ka da,in Roobabkii deyrta,islamarkaana dadku ay baahi weyn u qabaan in laga saacido helitaanka Biyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Water trucking 2

Water trucking 5