U bood dhigaalka

Hay’adaha Gargaarka: USD 105 Million Ayaa Loo Baahan yahay Si Loo Badbaadiyo Dadka Abaaraha Saameeyeen

Sheeko:Dalka

Hay’adaha gaargaarka Soomaaliya ayaa Nairobi ka sheegay in loo baahan yahay illaa USD 105 million si loo taageero dadka aabaraha saameeyeen ee ku nool gobollada waqooyi ee dalka sida Puntland iyo Somaliland.

Hay’adaha waxaa ay sheegeen in lacagtan wax looga qaban doono abaaraha iyo El Niñoda ka jirta Puntland iyo Somaliland.

Hay’adahan gargaarka waxaa ay soo gudbiyeen in 1.7 million ama  40 boqolkii 4.6 Milyan oo ku nool Somaliland iyo Puntland in ay taageero u baahan yihiin iyaga iyo xoolahooda.

Kooxdan ku shirta GIGIRI waxaa ay sheegayaan in 385,000 oo qof ay horay u soo wajahday cunno yari halka 1.3 million ay hadda qarka u saaran yihiin.

Shirka waxaa laga sheegay in dad iyo xoolaba ay u dhinteen abaaraha ka jira Soomaaliya, sida dad ku dhintay gobolka Awdal iyo xoolo u la’day biyo la’aan.

Peter de Clercq ayaa shirka ka sheegay in 95 dal iyo hay’ado ka shaqeeyay Puntland iyo Somaliland laakiin aanay wax horumar ah sameyn Karin sababo la xiriira lacag la’aan.

Peter de Clercq waxaa uu qabaa in xaaladda ay Qatar tahay, dadka ayuu sheegay in ay ku adagtahay in ay badbaadaan sidaa darteedna loo baahan yahay in lacago la bixiyo si looga fogaado dhibaato intan ka badan.

Hay’adahan ayaa sheegay in ay codsadeen 2016-ka lacag wax looga qabto cunto yarida, nafaqo darida, biyaha, caafimaadka iyo nadaafadda, Lacagtan oo ahayd USD 885 million ayey sheegeen in ay heleen oo kaliya USD 97 million.

Kooxdan waxaa ay leeyihiin waxaa jirta USD 11 million oo ay degdeg ah u bixin doonto Humanitarian Response Plan (HRP) iyo USD 6.5 million oo ay bixin doonto The Somalia Humanitarian Fund (SHF) si wax loogu qabto 224,000 qoys oo abaaraha ay dhibaateeyeen.
Hay’adaha lacagta codsaday waxaa ay ugu dambeyn sheegayaan in 105 Million ah ay dabooli doonto baahida banii’aadanimo ee bilaha April illaa September 2016