U bood dhigaalka

Hay’adaha Ka Howlgala K/galbeed Oo Lagu Amray Iney Diiwaangeliyaan Shaqaalahooda

Sheeko:Dalka

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha maamulka K/galbeed ayaa ku ammartay hay’adaha ka howlgala deegaannada maamulkaasi iney soo diiwaangeliyaan shaqaalahooda, sidoo kalena ay wasaaradda ka qaataan shaqaalaha.

Wasiirka wasaaraddaasi Jeylaani Sheekh Maxamed oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in marar badan ay u sheegeen hay’adaha iney soo diiwaangeliyaan shaqaalahooda balse ay ka dhego adeegeen.

Wuxuu tilmaamay in golaha wasiirada ay horgeyn doonaan sharci ku saasabn in hay’adaha ka howlgala deegeennada K/galbeed ay shaqaalaha ka qaataan wasaaraddaasi, si aaney u dhicin dhallinyaro aqoon leh oo hadane shaqo la’aan haysata.

“Marar badan waan u sheegnay in shaqaalaha ay ka qaataan wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, maalin walbo waxaa inoo yimaada dhallinyaro aqoon leh oo sheegaya ineysan shaqo haysan, sida hay’adaha wax ku qaatanna waa qaab aanu dhallinyarada uga faa’ideysan karin, wasiirada arrintaan waa la horgeyn doonaa waana la meelmarin doonaa in shaqaalaha ay qaadanayaan hay’adaha ay soo maraan wasaaradda, ma ogla iyaga in la ogaado tirada shaqaalaha, waxay qaatan balse waxay ku leeyihiin iyaga arrimo amni ayaan u dhiibeyn” ayuu yiri wasiirka.

Deegaannada K/galbeed waxaa ku sugan dhallinyaro badan oo aqoon leh, balse aan haysan fursado ay ku helaan shaqooyin.

Goobjoog News