U bood dhigaalka

Hay’adda Act for Somalia Oo Ku Talisay Dhowr Qodob Si Loo Helo Doorasho Ku Dhacda Caddaalad

Sheeko:Dalka

Hay’adda Act for Somalia  oo ah hay’ad Maxalli ah ayaa ku baaqeysa in sanadkan doorashada August ee Soomaaliya ay noqoto mid nadiif ah oo dadka oo dhan ay iska dhex arkaan iyo in kaalin ay ku lahaadaan kooxaha laga tirade badan yahay.

Warbixin ay soo saartay Sabtidii waxa ay sheegtay in doorashada 2016-ka ay tahay mid kala guur ah, loona baahan yahay in wufuudda iyo xitaa dadka la dooranayo ay ku yimaadaan si cadaalad ah.

“Dimoqoraadiyadda waa Cadaalad iyo Sinaan in wax loo qeybiyo, haddii intaa la helo waxaa ay dadka si fudud ku iloobi doonaan dhibaatadii dagaalada, waxaa ay sidoo kale kor u qaadeysaa Nabadda iyo Hor-umarka”

Wada Hadal:

Hay’adda Act for Somalia waxaa ay leedahay waxaa jira dhowr arrin oo u baahan in wax laga qabto inta aan la gaarin doorashada.

Waxaa ay sidoo kale hay’adda ku baaqeysaa in qaabkii 4.5 ee lagu heshiiyay bishii January ay ku dhacaan waqtigii loogu talagay.

Hay’adda waxaa ay sheegtay in Puntland ka biyo diidsan tahay nidaamka 4.5 iyadoo ku adkeysaneysa qaabka doorasho deegaan.

January waxaa la isku afgartay in Aqalka hoose wax lagu qeybiyo 4.5 halka aqalka sare uu ka koobnaan doono 54 xubnood oo doorasho ku yimaada.

Act for Somalia waxaa ay ku talineysaa in Xildhibaanka ay doortaan tiro aad u badan si doorashada ay cod ugu lahaadaan dhamaan beelaha.

Kooxdan Act for Somalia waxaa ay sidoo kale qabaan in odoyaasha ay soo xulaan ilaa 30 qof oo Xildhibaanka soo doorta iyagana waa odoyaashee ay dibadda ka istaagaan.

Haweenka:

Act for Somalia  waxaa ay ku doodeysaa in loo baahan yahay in beel walba ay Haweenka siiso 30% ee aan baarlamaanka oo dhan laga siin 30% sida horay la isugu afgartay.

Waxaa kaloo kooxdan ay ku taliyeen in Maxkamadda sare ay sameyso koox shaqadeedu tahay xalinta muranka ka dhasha doorashada.

Hay’addan Act for Somalia  waxaa ay sidoo kale ku boorineysaa in dalka laga hirgeliyo wacyigelin bulsho inta aan la gaarin doorashada 2016-ka.

Goobjoog News