U bood dhigaalka

Hay’adda Amnesty International oo Bayaan Kasoo Saartay Qaraxyadii Soobe 2

Sheeko:Caalamka

Hey’adda u dooda Xuquuqul Insaanka ee  Amnesty  international ayaa ka hadashay qaraxyadii 29-kii bisha October ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho dhaawac iyo burbur Hantiyadeed, kadib markii laba qarax lagu weerar Isgoyska  Soobe, meel aan ka fogeyn wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare.

“Kooxda hubeysan ee Al-Shabaab waa in ay joojisaa weerarada aan loo meel dayin ee ay ku heyso dadka rayidka ah, sidoo kale mas’uuliyiinta Soomaaliya waa in ay xaqiijiyaan in la ilaaliyo dadka rayidka ah,” ayay tiri hay’adda xuquul insaanka ee Amnesty International” ayaa lagu yiri bayaan laga soo baxay hey’adda Xuquuqul Insaanka ee  Amnesty  international.

Hey’adda ayaa waxaa sidoo kale bayaanka kasoo baxay tacsi loogu diray Ehelada iyo qaraabada dadkii wax ku noqday labada qarax ee isxigxigay, kuwaas oo dad ka badan 100 ruux ay ku geeriyoodeen, halka uu dhaawac kasoo gaaray in ka badan 200 oo ruux oo la dhigay Isbitaallada  magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ka dhashay burbur hantiyadeed oo baahsan.

“Amnesty International waxay tacsi u direysaa dhammaan dadkii ku waayey eheladooda kadib weerarradii naxdinta lahaa ee Sabtidii. Falalka naxariis darada ah ee al-Shabaab waa dambiyo marka loo eego sharciga caalamiga ah, waxaana aad muhiim u ah in dhammaan kuwa lagu tuhunsan yahay in ay mas’uul ka yihiin dambiyadan ay wajahaan maxkamadeyn caddaalad ah” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka ay hey’adda Xuquuqul Insaanku ay kasoo saartay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe.

Bayaanka kasoo baxay hey’adda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo labada qarax ee isxigxigay, kuwaas oo dad ka badan 100 ruux ay ku geeriyoodeen, halka uu dhaawac kasoo gaaray in ka badan 200 oo ruux oo la dhigay Isbitaallada  magaalada Muqdisho, ay ka dhaceen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana ilaa iyo hadda la dareemayaa saameyntooda.

Goobjoog News