U bood dhigaalka

Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo Ka Walaacsan Xaaladaha Covid-19 Ee Ka Jira Koonfur Afrika

Sheeko:Caafimaadka

War qoraal ah oo ay soo saartay hay’ada caafimaadka Aduunka ayaa la gu sheegay in dalka Koonfur Afrika ay ka jirto xaalad aan la dhaliilsan Karin mkadib markii ay sii kordheen kiisaska Corona Virus.

Sida la xaqiijiyay gobalada kala duwan ee dalkaasi waxa maalintii shalay laga diwaangeliyay 3,359 Xaaladood oo Covid-19.

Sidokale Warbixin oo ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in Koonfguud ahaan dalka laga diwaangaliyay in ka badan 61,9270 xaaladood, tiridaasi oo ka dhigeysa in xaaladahii ugu badnaa ee laga helo wadamada Afrika.

Ku dhawaad ​​saddex-meelood laba meelood kiisaska Koonfur Afrika waxay ku sugan yihiin gobolka Galbeedka Cape oo xuddun u ah magaalada Cape Town.

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee  qaarada Afrika ayaa dhawaan sheegay in dalka Koonfur Afrika uu ku socda Wadadii ay mareen wadamada Yurub iyo Mareykanka, waxayna ku baqeen in gurmad deg deg ah loo sameeyo Koonfur Afrika.

Goobjoog News