U bood dhigaalka

Hay’adda Culimada Oo Baaq u Dirtey Puntland Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday maamullada Puntland iyo Galmudug in si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaallada ka socda magaalada Gaalkacyo.

Hay’adda ayaa sheegtay in  Magaalada Gaalkacyo ay u diri  doonaan guddi ka ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada si  xal rasmi ah loogu gaaro dagaallada kusoo noqnoqday magaaladaasi.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda culimada Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in wada hadal toos ah la yeelan doonaan Galmudug iyo Puntland si loo badbaadiyo dadka shacabka ah ee Gaalkacyo ku nool.

Waxa uu sheegay Sheekh Gurxan  in ay aad  ugu  xun  yihiin dagaaladda  dhiigga  badan ku daatay ee weli ka socda magaalada Gaalkacyo.

“Waan ka xunnahay dagaallada ka socda magaalada Gaalkacyo, horeyna waan uga hadalnay, haddane waxaan ugu baaqeynaa Galmudug iyo Puntland in dagaallada joojiyaan oo aan la daadin dhiigga shacabka walaalaha ah, waxaan Gaalkacyo u diri donnaa guddi ka koobaan qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo joojiyo colaadda Gaalkacyo” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaa weli ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug, waxaana dagalladaasi sababeen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed.

Goobjoog News